DP World oo lacag ku tabarucday gurmadka fatahaadaha Qardho

Image

QARDHO, Puntland – Shirkadda DP World ayaa waxay toban kun oo Doolar ugu deeqday gurmadka fatahaadaha magaalada Qardho, sidda uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland.

Xasan Shire Cabdi ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta gobolka Karkaar ee bariga wadanka Soomaaliya.

"Wasiirka dekadaha wuxuu yiri 'lacag tobban kun oo Doolar baan haynaa,' laakiin wali si rasmi ah nalkuma soo wareejin, marka nagula soo wareejiyo ayaan si rasmi ah u sheegeynaa," ayuu yiri.

DP World ayaa kamid ah shirkadaha maamula qaar kamida dekadaha ugu waaweyn aduunka, oo ay ku jirto tan magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, wasiir Xasan ayaa hoos u dhigay jiritaanka wararka sheegaya in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ay ka heleen lacag tabarucaad ah oo loogu talagalay Qardho.

Si ay u hubiyaan in ay gaartay dadkii baahida u qabay, wasiirka ayaa ku booriyey mutadhawiciitanta sadaqada baxsaneysa in ay lacagta ku shubaan akoonada ay soo bandhigay dowladda.

"Illaa iyo haatan, waxaan haynaa Hal milyan oo Doolar kana timid Dowladda Federaalka Soomaaliya, 50-kun oo ay bixisay Dahabshiil iyo 20-kun oo ka timid shirkada Hass," ayuu raaciyey.

Sikastaba, Xasan Shire ayaa wuxuu yahay gudoomiye Guddiga dhaqaale uruurinta taakulada Qardho, kaas oo balanqaadey in uu diyaar u yahay isla xisaabtan, hufnaan iyo daahfurnaan maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM