Dowlada Puntland oo dhul ugu deeqday Hay'adda UNICEF

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Garowe, October 7,2014 [GO]- Madaxwaynaha Puntland Cabdwali Cali Gaas iyo  Madaxa UNICEF Somaliya Mr.Steven Lauwerier ayaa maanta dhagax dhigay xarun Hay'adda loogu deeqay oo ka danbaysay dhismaha xarunta Telefashinka dowladda (PTV).

Munaasiabdda dhagax dhiga waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta dowladda iyo madaxda hay'adda UNICEF, kuwaasoo u muuqday inay ku faraxsan yihiin hay'adda UN-ka inay xarumo ka samaysteen Puntland.

Maayarka magalada Garowe Mudane Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo furitaankii munaasibada ka hadlay ayaa sheegay dhulkan loogu deeqay UNICEF inuu yahay mid dowladdu lee dahay isla markasna loogu talo galay in la siiyo hay'addaha wax u qabanaya dadka iyo dhulka Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay sababta UNICEF xaruntooda ugu wayn uga dhigatay magalada Garowe ay tahay nabadgalyadda ka jirta Puntland.

''Taa Micnaheedu waxa weeye in Garoowe ama Puntland ay noqonayso Xarun weyn oo Hay'addaha Qaramada Midoobey saldhigyo waaweyn kuleeyihiin, waxaan rajaynaynaa in Hay'addo kale oo badan oo UN-ka ah laftigooduna ku soo daba jiraan oo imaanayaan''

Mr.Steven Lauwerier oo ah masuulka UNICEF ee Somalia ayaa uga mahad celiyay madaxda Puntland sida wanaagsan ee ay ula garab taagan yihiin wada shaqayn wanaagsan oo dhexmarta, wuxuna masuulkan sheegay in xaruntan loogu shaqayn doono xaalada hooyadda iyo dhalaankeeda.

Dowladdii hore ayaa WFP iyo WHO ugu deeqday dhulal baaxadleh kuwaasoo qayb ka ah wada shaqaynta Puntland iyo UN-ka.

Hay'addaha caalamiga ah ee Somalia ayaa u muuqda kuwo fariisimo cusub ka samaysanaya deegaanadda Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM