Puntland oo ka tashanaysa dib u habaynta shaqaalaha rayidka

Image
Image
Image
Image

Arbaco, Sep 24, 2014 (GO)- Kulan looga tashanayo dib u habayn lagu samayn doono shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland ayaa maanta ku qabsoomay xarunta Hay'adda PDRC ee magalada Garowe.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay, wasiirka Shaqada iyo Shaqalaha , Agaasimaha Shaqalaha Rayidka ah iyo agaasimayaasha guud ee wasaradaha ayaa kasoo qayb galay shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Agaasimaha Hay'adda shaqalaha rayidka ah ee Puntland Mustafe Siciid ayaa sheegay in nuxurka shirku uu yahay sidii looga wada tashan lahaa dib u habayn lagu sameeyo  shaqaalaha rayidka ah si loo tayeeyo shaqooyinka dowladda.

Agaasimeyaasha guud ee kasoo qayb galay ayaa ka doodi doona sida ugu wanaagsan ee howlaha shaqaalaha rayidka ah lagu hagaajin karo iyo dajinta siyaasadda shaqaalaha si wax looga qabto dib u dhaca ka muuqda shaqooyinka dowladda.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Camay ayaa kula dardaarmay agaasimayaasha kasoo qayb galay kulanka inay si wanaagsan uga doodaan mustaqbalka shaqaalaha rayidka ah, isagoo xusay in dowladdu dib u habayn ku samaynayso hay'adaha cadaaladda, dhaqaalaha iyo ciidanka.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in kulankani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Puntland ayna ka go'an tahay sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka ka jira dhanka shaqaalaha rayidka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM