Dr. Cabdiraxmaan Farole oo la hadlay BBC [DHEGEYSO]

Image

July 28, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud "Farole" oo la hadlayey Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ka mahadceliyey qaabkii diirranaa ee dadweynaha iyo Dowladda Somaliland usoo dhoweeyeen.

Dr Farole ayaa xusay in ujeedada uu Hargeysa u  tegey ahayn mid siyaasadeed balse uu booqanayey qaar kamid ah qaraabadiisa, maadama AHN marwadiisii hore ee Aamina Abiib kasoo jeeddey magaalada Hargeysa.

"Imaanshahayga Xukuumadda ayaa ogolaatay oo la soo ogaysiiyay si fiican ayaana laygu soo dhaweeyay Hargaysa madaxdhaqameed iyo Xukuumaddaba” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey inuu weli hammi ka leeyahay siyaasadda Puntland, wuxuu sheegay in uu ka fariistay siyaasadda Puntland laakiin xilligaan uu wax ka qoro faaleeyana arrimmaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mas’uul ka tahay khilaafka dhanka xuduudka ee ka taagan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa maalinta berri ah kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM