Dr. Farole oo Hargeysa si weyn loogu soo dhoweeyey

Image
Image
Image

July 19, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, isimmo iyo waxgarad ayaa Mudane Farole kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Ujeedada Farole u tegey Hargeysa waa sidii uu booqan lahaa qaar kamid ah qaraabadiisa gaar ahaan qoyska AHN xaaskiisii hore Aamino Abiib.

Booqashadan ayaa ah middii ugu horeysey ee Dr. Farole ku tago Hargeysa muddo 23 sano ah kadib.

Dhanka kale, waa markii ugu horreysey ee madaxweyne Puntland soo maray booqasho ku tago Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM