Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga

Image

Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar, oo kamid ahaa dhaqaatiirta ugu caansan dalka Somalia, ayaa xalay ku geeeriyooday wadanka Talyaaniga, halkaasi oo mudo uu ku xanuunsanayay.

Allah ha u naxariistee Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar, wuxuu ahaa dhaqtar weyn, oo ku takhasusey daaweynta iyo Qaliimada xanuunada ku dhaca Neerfaha, isagoo ka howlgali jiray deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, oo uu ku lahaa xarun caafimaad. 

Sahro Jaamaca Salaad oo la dhalatay Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar, islamarkaana mudo kula jirtay Isbitaalka, ayaa xaqiijisay geeridiisa, iyadoo sheegtay inuu u dhintay xanuunka Kansar, oo uga dhacay Beerka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM