Dr.Gaas ''Al-Shabab waan ka saarnay buuraha Galgala''-Daawo Video

Image

Arbaco 1 October,2014 [GO]- Madaxwayne Gaas oo saxafadda kula hadlay aqalka madaxtooyadda ayaa xaqiijiyay ciidanka difaaca Puntland inay la wareegaan saldhigii ugu waynaa ururka Al-Shabab ee buuraha Galgala.

Waxa uu sheegay mudo sodan maalmood ah Puntland cafis ugu fidinayso dhalinyaradda la fikir qalday kuwaasoo ku jira kooxda Al-Shabab ayna ka go'an tahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa firxadka kooxdaasi.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya dagaalka dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwo Al-Shabab ay sababeen khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac walow aan ilaa iyo hadda la hayn war rasmi ah. Halkan ka akhriso khasaaraha

''Waxaan cafis ku eg sodan maalmood u fidinayaa dhalinyaradda la  marin habaabiyay ee sida qaldan loo faham siiyay diinta islaamka, waxaan rajaynayaa inay ka faa'iidaystaan fursadaan bad baadinayaana nolashooda iyo aayahooda''. 

Kooxda Al-Shabab ayaa dilal kala duwan ka gaystay gudaha Puntland tan iyo 2010 iyadoona dilkii ugu danbeeyay uu ahaa Taliyihii qaybta Booliska Gobalka Bari.

Hadalka madaxwayne Gas ayaa imaanaya xili uu ka socdo koonfurta iyo bartamaha Somalia howlgalka Badweynta Hindiya oo Al-Shabab ka sifeeyay magaalooyin muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM