Dukaamada waaweyn ee magaalada Garowe oo xiran

Image

21 August, 2015 (GO)-  Wararka ka imaanaya magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in maalinkii 3-aad aysan shaqaynayn dukaamada waawayn ee loo yaqaan “Super Market” kuwasoo gada badeecooyin kala duwan, sababtana waxa lagu sheegay is fahan daro xagga canshuuraha oo ka dhex dhacday dukaamada iyo dawladda.

Dukaamada waawayn oo lahaa macaamiil fara badan ayaa gabi ahaanba irdaha u laaban yihiin walow saxaafaddu aysan wax badan ka oran arintasi, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in la dul dhigay canshuur badan oo ay sheegeen inaysan xamili Karin.

Wararka nasoo gaaraya waxay sheegayaan xalay oo Jimce soo galaysay oo lagu bartay in caasimadda isu socodkeedu uu aad u badnaa in la dareemayay xirnaanshaha supermarket-yada oo laftigoodu quruxda magaalada qayb ka ahaa marka laga soo tago u adeegidda macaamiishooda.

Dawladda ayaa dar dargalisay dhawaanahan canshuur qaadidda Puntland, waxaana warar ku dhow dhow dukaamadaasi ay sheegayaan in loo keenay lacag canshuur ah oo aad uga badan middii ay filayeen markii loo eego midda ay sugayeen, taasoo dawladda uga dhigan canshuur ku baaqatay Supermarket-yada waawayn ee Garoowe.

Dakhliga dowlada Puntland kasoo gala cashuuraha barriga ayaa aad u kordhey sanadka 2015 halka shaqaalaha rayidka iyo ciidamada la il-daranyihiin mushar la'aan kor u dhaafeysa bilo ka badan Shan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM