Dulucda kulankii Deni ee hogaanka dhaqanka iyo dhalinta Haylaan

Image
Image
Image
Image
Image

DHAHAR, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiistii wuxuu kulan balaaran la qaatay hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan, gaar ahaan Nabadoonada iyo Cuqaasha Gobolka.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka,

"...iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay," ayuu yiri xafiiska madaxweynaha.

Deni ayaa dhamaadkii kulanka wuxuu hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan, wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka Gobolka.

"...isagoo u sheegay in Dowladdu ay Gobolka ka hirgelinayso adeegyada dowliga ah ee asaasiga ah," ayuu raaciyey qoraalka oo nuqulo kamid ah uu helay warsidaha GO.

Dhalinyaradda

Dhinaca kale, Deni ayaa la fariistay Dhallinyarada Gobolka Haylaan. Is-aragga waxaa looga hadlay arrimaha dhallinyarada Puntland gaar ahaan Gobolka Haylaan.

Dhallinyarada xubno u hadlay ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa Dhahar, waxayna la wadaageen xaaladda da'yarta ee degaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha uga xiran Dowladda.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Deni ayaa u sheegay dhalinta in Dowladdu ay muhiimad siiso arrimaha dhallinyarada iyagana ay qeyb ka yihiin barbaartaas.

"...Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku dhiirigeliyey ka shaqeynta Midnimada, Nabada iyo horumarka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee Madaxtooyadda.

Tacsi

Geesta kale, Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida alla Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Cabdiqaadir Maxamed Muuse Dheere oo xalay ku geeriyooday degmada Badhan.

"...wuxuu Madaxweynuhu alla uga baryey Marxuumka inuu geeyo Jannatul Fardawsa, Eheladiisii iyo qoyskiisana Samir iyo iimaan uu illaahay ka siiyo," ayaa lagu yiri bayaan kale oo xafiiskiisa kasoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM