Duqa cusub ee Garowe oo maanta xilka la wareegey (SAWIRRO)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

June 8, 2015 (GO)- Duqii hore ee degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey duqa cusub ee dhowaan Madaxweyne Gaas soo magacaabay , Axmed Siciid Geelle (Shoodhe).

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday hoolka shirarka ee hay'adda  PDRC, waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqii hore ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, isago xusay in lagu xasuusan doono waxqabad muuqda oo dhinacyo badan leh.

Koor ayaa dhanka kale guul u rajeeyey duqa cusub isagoo ballan qaadey inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono maamulka cusub.

Duqa cusub oo isna goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyey qaabka wanaagsan ee xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amniga iyo nadaafadda caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Karaash oo xafladda soo xiray ayaa uga mahadceliyey duqii hore shaqada fiican ee uu soo qabtey, wuxuuna kula dardaarmey duqa cusub inuu dadaalka halkaas kasii wado waqti iyo maskax badanna geliyo sidii uu caasimadda u horumarin lahaa.

June 3, 2015 ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kala direy golihii deegaanka ee Garowe islamarkaana xilka ka qaadey duqii hore ee Garowe isagoo xilkaas usoo magacaabay Axmed Siciid Geelle (Shoodhe).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM