Duqa cusub ee Garowe oo maanta xilka la wareegey (SAWIRRO)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

June 8, 2015 (GO)- Duqii hore ee degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey duqa cusub ee dhowaan Madaxweyne Gaas soo magacaabay , Axmed Siciid Geelle (Shoodhe).

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday hoolka shirarka ee hay'adda  PDRC, waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqii hore ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, isago xusay in lagu xasuusan doono waxqabad muuqda oo dhinacyo badan leh.

Koor ayaa dhanka kale guul u rajeeyey duqa cusub isagoo ballan qaadey inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono maamulka cusub.

Duqa cusub oo isna goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyey qaabka wanaagsan ee xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amniga iyo nadaafadda caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Karaash oo xafladda soo xiray ayaa uga mahadceliyey duqii hore shaqada fiican ee uu soo qabtey, wuxuuna kula dardaarmey duqa cusub inuu dadaalka halkaas kasii wado waqti iyo maskax badanna geliyo sidii uu caasimadda u horumarin lahaa.

June 3, 2015 ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kala direy golihii deegaanka ee Garowe islamarkaana xilka ka qaadey duqii hore ee Garowe isagoo xilkaas usoo magacaabay Axmed Siciid Geelle (Shoodhe).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM