Duqa degmada Garowe oo shirar kaga soo qayb galay Nairobi iyo Kigali

Image

December 16, 2014 (GO)- Duqa degmada Garowe  Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa ka warbixiyey shirar uu kaga soo qayb galay dalka dibadiisa gaar ahaan magaalooyinka Nairobi iyo Kigali ee xarumaha dalalka Kenya iyo Rwanda.

Koor ayaa sheegay inuu kulamo gaar gaar ah lasoo yeeshay maamullada magaalooyinka Nairobi iyo Kigali islamarkaana uu kala soo hadlay sidii saddexda degmo isaga kaashan lahaayeen dhanka horumarka.

Duqa Garowe ayaa  dhanka kale sheegay in maalinta beri ah uu ka qayb geli shir looga hadlayo hormarinta magaalooyinka Garowe, Hargaysa iyo Muqdisho isagoo xusay in shirkaasi yahay mid muhiimad gaar ah ugu fadhiya Garowe.

Caasimada Puntland ayaa sanadihii u dambeeyey horumar ballaaran ka samaysey dhanka dhismaha iyo weliba wadooyinka iyadoo lagu guuleystey in laami laga dhigo dhowr jid oo muhiim ah.

Dhowaan magaalada Garowe waxaa lala mataaneeyey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM