Duqa degmada Garowe oo shirar kaga soo qayb galay Nairobi iyo Kigali

Image

December 16, 2014 (GO)- Duqa degmada Garowe  Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa ka warbixiyey shirar uu kaga soo qayb galay dalka dibadiisa gaar ahaan magaalooyinka Nairobi iyo Kigali ee xarumaha dalalka Kenya iyo Rwanda.

Koor ayaa sheegay inuu kulamo gaar gaar ah lasoo yeeshay maamullada magaalooyinka Nairobi iyo Kigali islamarkaana uu kala soo hadlay sidii saddexda degmo isaga kaashan lahaayeen dhanka horumarka.

Duqa Garowe ayaa  dhanka kale sheegay in maalinta beri ah uu ka qayb geli shir looga hadlayo hormarinta magaalooyinka Garowe, Hargaysa iyo Muqdisho isagoo xusay in shirkaasi yahay mid muhiimad gaar ah ugu fadhiya Garowe.

Caasimada Puntland ayaa sanadihii u dambeeyey horumar ballaaran ka samaysey dhanka dhismaha iyo weliba wadooyinka iyadoo lagu guuleystey in laami laga dhigo dhowr jid oo muhiim ah.

Dhowaan magaalada Garowe waxaa lala mataaneeyey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM