Duqa degmada Qardho oo la doortay

Image

23 September, 2015(GO)-Duqa degmada Qardho ayaa loo doortay Cabdi Siciid Cismaan oo helay 20 cod halka tartamaha kale uu helay 9 cod, ka dib doorasho lagu qabtay xarunta gobolka Kar-kaar.

Xilka Gudoomiyaha degmada Qardho waxaa ku tartamayay labo musharax oo kala ah Cabdi Siciid Cismaan iyo Faarax Cabdullaahi.

Waxaa codayaynayay 29 xildhibaan oo shalay loo dhaariyay golaha deegaanka degmada Qardho.

Haatan, waxaa socota doorashada ku-xigeenka duqa, waxaana ku tartamaya labo xubnoo oo kala ah Cabdirasaaq Cumar Faarax iyo Maxamud Ismaciil Salaad.

Ninka loo doortay duqa Qardho ayaa soo qabtay xilal kala duwan lana soo shaqeeayay Hay'ado dhawr ah oo u qaabilsan Tamarta iyo Biyaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM