Duqa Garowe oo beeniyay warar lagu faafiyey baraha bulshada

Image

GAROWE, Puntland – Duqa magaala madaxda dowladda Puntland, Axmed Saciid Muuse, ayaa Talaadada maanta ah beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshadda kuna saabsan in dowladda hoose ee Garowe ay diidey Shilin Soomaaliga.

Mr Muuse oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ka dhawaajiyey in dowlad degaanka Garowe ay fulisay amarkii kasoo baxay Guddiga Xasilinta Sarifka Shilin Soomaaliga ee khuseeyay degmooyinka Puntland.

Amarkaas ujeedkiisu ahaa in qiimo loogu shilin Soomaaliga laguna xasiliyo sarre u kaca Doolar-ka ayaa xeerinayey in degmooyinka ay canshuurta ku qaadaan shilin Soomaali isla markaana ay qeyb ahaan ku bixiyaan mushaharka shaqaalaha.

"Haddaba, wiilasha xogtaan qoraya ee aan arkay ma filayo inay canshuur bixiyayaal yihiin. Mana ogi inay furteen xafiis sharci ah oo cabashada Degmada Garoowe ay ku qaadaan (Formal Local Government Court). Ciddii ka cabanaysa hay'ad Dawladeed waxaa jira habraac loo maro iyo xafiisyo loo dacwoodo oo sharci ah. Guul eebbe," ayuu Mr Muuse kusoo gabagabeeyay qoraalka uu soo saarey.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa oo dhameystiran

Si xun wax u sheeg Sixir ka daran

Waxaan baraha bulshada ku arkay dhallinyaro wax ku qora oo sheegaya in Dawladda Hoose Garowe diidey Shillinka Soomaaliga.

Haddaba waxaa ii muuqatay inay farriin khaldan dadka u gudbinayaan, ayna muhiim tahay in la cadeeyo sida ay u khaldan tahay.

Sida ku cad go'aamadii Guddiga Xasilinta Sarifka Shillinka Soomaaliga waxaa Degmooyinka la faray inay Shillinka Soomaaliga ku Qaadaan qaybo ka mid ah Canshuuraha oo guddigu u arkay inay wax ka tari karaan wareegga (Circulation) lacag Soomaaliga. Dawladda Deegaanka Garoowe amarkaas u fulisey sida uu yahay. Eeg lifaaqa Guddiga.

Dawladda Deegaanka Garoowe canshuuraha ay Shillin Soomaaliga ku qaaddo waxaa ka mid ah:-

Cashuurta Ariga

Canshuurta Geela

Canshuurta Hilibka

Canshuurta Khudaarta

Canshuurta Qaadka kabarada

Canshuurta Dejinta

Khidmadda Horumarinta

Canshuurta kabarada

Canshuurta Maalinlaha

Iyo kuwo kale

Canshuurta Guryaha & Ganacsigu waa sannadle waxaana lagu bixiyaa systemka elekrooniga ah ee MMT (Mobile Money Transfer) iyo system ka casriga ah FMIS (Financial Management Information system).

Haddaba, wiilasha xogtaan qoraya ee aan arkay ma filayo inay canshuur bixiyayaal yihiin. Mana ogi inay furteen xafiis sharci ah oo cabashada Degmada Garoowe ay ku qaadaan (Formal Local Government Court) . Ciddii ka cabanaysa hay'ad Dawladeed waxaa jira habraac loo maro iyo xafiisyo loo dacwoodo oo sharci ah. Guul eebbe.


GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM