Duqeyn lala eegtay maleyshiyaad ku dhuumaaleysaneysay buuraleeyda gobolka Bari

Image
Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqaynta lagu diley malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey saldhiggaasi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay Togga Gaalakeen iyo deegaanka Hoobato ee buuraleeyda gobolka Bari.

Aagan ayaa waxay caan ku tahay in ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxaha nabaddiidka ah ee ay baadi goobayaan ciidanka difaaca Puntland.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqaynta lagu diley malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey saldhiggaasi.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa waxay xuseen in ay sii wadi doonaan howgalladaan inta kooxahaan laga sifayn doono buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM