Duqii hore ee degmada Isku-shuban oo la diley

Image

May 27, 2015 (GO)- Guddoomiyihii hore ee degmada Isku-shuban Cabdirisaaq Muuse Cartan ayaa galabta lagu diley inta u dhexeysa tuulada Carta iyo degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dabley hubeysan ayaa jidka u galay mas'uulkaas iyagoo gaarigii u watey gaari kale ku hor gooyey kaddibna tacshiirad huwiyey.

Cabdirasaaq Cartan wuxuu markii la dilayey wadey qoyskiisa oo magaalada Boosaaso kasoo xagaa baxay kuna soo jeedey degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilkan iyo weliba haybta dableyda weerarkaas fulisey, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in dilkaan ahaa mid la xiriira dilal ka dhacey degmada Isku-shuban 2013.

Cartan ayaa muddo lix sano ka badan soo ahaa duqa degmada Isku-shuban, wuxuuna xilkaas wareejiyey bilo kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM