Duufaan ku wajahan qaybo ka mid ah dalka Somalia

Image

07 November, 2015(GO)-Duufaan hor leh oo lagu magacaabo MEGH ayaa la sadaaliyay inay ku dhufanayso qaybo ka mid ah Somalia gaar ahaan gobollada dhaca, dhinaca Waqooyi ee badweynta Hindia.

Hay’adda SWALIM oo qaabilsan maaraynta macluumaadka biyaha iyo barriga Somalia, ayaa warbixin ay soo saartay shalay ku sheegtay in 36 saac ee soo socota duufaantani ku dhufan doonto qaybo ka mid ah Puntland.

Asbuucii hore ayay ahayd markii duufaanta Chapala saamaysay qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan gobolka Gardafuu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM