Duufaanta Chapala oo saamaysay deegaano dhaca xeebaha Puntland

Image

02 November, 2015(GO)-Roobab dabaylo wata ayaa la soo sheegayaa inay ka da'een degmooyin teedsan xeebaha Puntland ee gobolka Gardafuu.

Degmada Bareeda, Gumbax, Tooxin ayaa wararku sheegayaan inay ka da'een Roobab dabaylo wata kuwaasi oo sababay inay biyaha Badda soo galaan magalada,  waxayna bur-bur u gaysteen gaadiid badeed iyo guryo ku yaallay xeebta, halka ay barakaceen dadkii ku noolaa.

Jawi badalan iyo Roobab ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa degmooyinka Caluula iyo Bargaal.

Ma jirto khasaaro nafeed oo duufaantu sababtay, balse waxaa jira cabsi dadka deegaanku ka muujinayaan inay da'aan Roobab xoogleh.

Arrintan aya timi iyadoo la saadaaliyay inay ka da'aan qaar ka mid ah gobollada Puntland Roobab duufaan wata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM