Duulimaad toos ah oo isku xiraya Jabuuti-Garowe oo la daah-furay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa daah-furay duulimaadka tooska ah ee shirkadda diyaaradaha Jabuuti.

Duulimaadka ay diyaaradan ku tageyso Garowe ayaa noqonaya laba jeer todobaadkii, sidda ku xusan war-saxaafadeed uu warsidaha Garowe Online arkay.

Sidda ku xusan bayaanka, duulimaadka waa mid toos ah oo isku xiraya Jabuuti iyo Garowe, caasimadda dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Air Djibouti ayaa kamid noqoneyso diyaaradaha caalamiga ah ee ka faa'iideysanaya fursadaha ka jira degaanadda maamul goboleedkan.

Ethiopian Airlines, mid kamid ah shirkadda diyaaradaha ugu fiican Afrika, ayaa bishii June, 2019 duulimaadyo ka bilowday Puntland.

Wasaaradda Duulista Hawada oo shaacisay in shirkado kale oo caalami ah ay codsiyo u soo gudbiyeen ayaa xustay in ay qayb ka qaadaneyso kobaca dhaqalaaha.

Puntland ayaa haatan wadda qorshe lagu horumarinayo garoomadaha diyaaradaha, iyaddoo dhowaan la saxiixay heshiis lagu balaarinayo madaarka Garowe.

Sikastaba ha ahaatee, Air Djibouti iyo Ethiopian Airlines ayaa waxay safka hore kaga jiraan shirkaddaha caalamiga ah ee ku loolamaya suuqa furan ee waddanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM