Eedaysaneyaal lagu soo qabtey maandooriye oo la xukumey

Image

May 18, 2015 (GO)- Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukuntey labo eedaysane oo lagu soo qabtey maandooriyaha xashiishka.

Labada nin midkood waa rayid midka kalena waa askari ka tiran ciidamada asluubta Puntland ee ka hawlgala magaalada Garowe.

Guddoomiyaha maxkamadda Saalax Liif ayaa ku dhawaaqey xukunka isagoo sheegay in nimankaas lagu xukumey midkiiba lix bilood oo xarig ah iyo $500 oo ganaax ah, wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay lacagta iska bixin waayaan loogu beddeli doono xabsi.

Xashiishadda oo dhameyd labo kiilo garaam, islamaanta ayaa lagu gubey goob fagaare ah oo ku taal Garowe.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal Axmed Cabdullaahi Layli oo si kooban warbaahinta ugula hadlay goobtii maandooriyahan lagu gubayey ayaa u mahadceliyey ciidamada soo qabtey, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay usoo gudbiyaan booliska xog kasta oo ku saabsan maandooriyaha iyo dadka isticmaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM