Eedeyn loo jeediyey guddoonka baarlamaanka Puntland oo la beeniyay

Image

GAROWE, Puntland – Fadhigii baarlamaanka Puntland uu Isniinta maanta ah kula xisaabtami lahaa Wasaaradda Qorsheynta ayaa lasoo xiray kahor waqtigii caadiga ahaa ee lasoo gabagabeyn jiray kulamadda Golaha Wakiiladda.

Tani ayaa ka dambeysay markii shan sharci-dejiye ay codsadeen in saxaafadda dibadda looga saaro kulanka si ay shir-gudoonka ula wadaagaan tabashooyin ay tirsanayaan. Balse waxaa lagu gacan-seyray dalabkooda.

Xildhibaan Muuse Saciid Xasan oo kamid ah mudaneyaasha cabashada gudbiyey ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku fahfaahiyey waxa ay tirsanayaan.

"Masoo noq-noqon. Inta guddoomiyaha uu shirdoonka yahay tabashooyinka dhanka hogaaminta ah baa jirtay haba sii kala darnaato. Laakiin kalfadhigii lasoo dhaafay ee 46aad iyo kalfadhigan 47aad labaduba gudoomiyuhu wuxuu lasoo baxay awoodo aan ugu qorneyn xeer-hoosaadka iyo dastuurka Puntland oo uu rabo golaha in uu afduubo, in uu caburiyo; goluhuna waa mudaneyaal siman oo u dhaartay ilaalinta iyo ka shaqeynta danaha Puntland kuligood isaguna [afhayeenka] waa mudane kamid ah mudaneyaashaas waxa kaliya ee mudaneyaashaas kalsooni u siiyeen waa in uu ku shir-gudoomiyey waxay ku heshiiyeen ma ahan mudane ka baxsan oo si gaar ah ugu tagrifali kara shaqada iyo hab-sami u socodka baarlamaanka gudahiisa," ayuu ku sharaxay.

Xilli uu ganafka ku dhuftey in ay sameeyeen "buuq iyo fowdo", Muuse ayaa rajeeyay in arrimaha jira lagu xalin doono xeer-hoosaadka Golaha.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Salah oo gaashaanka u daruuray eedeynta loo jeediyey gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in sharci-dejiyeyaasha ay wada helaan fursado isla eg.

"Mudanuhu marka uu rabo in uu feker ama ajande kale uu goluhu kaga hadlo, sidda uu qabo xeer-hoosaadka, waa in uu u soo gudbiyaa Hab-dhowraha oo u sii gudbinaya guddoonka oo kadibna kusoo celinaya Hab-dhowraha, markaas kadib wuxu mudane walba xaq u leeyahay in uu saddex daqiiqo ka hadlo golaha, laakiin sidda saaka ay wax uga dhaceen Golaha wax ka duwan ayay ahaayeen".

Xildhibaanadda "buuqa sameeyay" ayuu ku eedeeyay in ay isku dayaan "in ay golaha ku qasbaan ajendaha lagu soo diyaariyey [fadhi-ku-dirirada]".

Isagoo ka jawaabayay wararka sheegaya in dooda mudaneyaasha ku saleysneyd heshiiska P&O iyo DP-Workd, sharci-dejiye Cabdirisaaq ayaa xusay in madaxweyne Deni goluhu ka codsaday in ay dib-u-dhigaan ka doodda.

"Arrintaas ajendaha qodobka 13aad bay kaga jirtay. Mudaneyaal ayaa codsaday in lasoo horumariyo; goluhuna waa ku raacay. Heshiiskan waa mid caalami ah ma ahan mid ay ka hadli karaan shan Xildhibaan, waa heshiis damage-kiisa gaari kara Umadda Puntland," ayuu Cabdirisaaq u sheegay Idaacadda BBC-da.

Heshiiska DP World ay ku maamusho marsadda xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso waxaa gashay dowladii Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], waxaana xukuumadda Deni ka shaqeyneysaa sixida khaladaad horey u dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM