​Eng: Cumar Dheere oo Galkacyo lagu aasay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO- Allaha u naxariistee, waxaa maanta magalada Galkacyo lagu aasay Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar dheere), oo xalay lagu dilay xarunta gobolka Mudug.

Aaska marxuumka, waxaa kasoo qayb galay maamulka gobolka Mudug, ganacsato iyo shicibka magalaadaasi ku dhaqan, waxaana salaaddii Janaasada kadib warbaahinta la hadlay maamulka gobolka iyo culimaa'uddiinka oo sheegay inay tacsi u dirayaan ehelkii uu ka baxay Cumar Dheere.

Sheekh Mursal Shire, oo kamid ah culimaa'uddiinka Galkacyo ayaa bulshada ku booriyay inay EEBBE ku xirnaadaan islamarkaana wuxuu tacsi u diray ehelkii iyo ubadkii uu ka tagay.

Shacabka Galkacyo, ayaa arrintaasi ka hadlay waxayna sheegeen inay ka xunyihiin falalkaasi soo noq noqday ee lagu beegsanayo dadka hal doorka ah, waxayna dowladda ka codsadeen inay wax ka qabato ammaanka islamarkaana sharciga la keeno ruuxii falkaasi fuliyay.

Maamulka gobolka Mudug gaar ahaan gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa ka hadlay dhacdadii xalay, waxayna shacabka ugu baaqeen in arrintii dhacday loo nisbayn qole gooni ah, balse howshaasi faraha looga qaado dowladda.

Sababta loo dilayay ayay ku sheegeen inay tahay ka shaqaynta nabadda iyo xasiloonida, wuxuuna intaasi raaciyay inay diyaar u yihiin qaabkii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Xalay ayay ahayd salaaddii maqrib kadib markii Marxuum Cumar Dheere oo kasoo baxay masaajidka Salaama lagu dilay, waxaana falka toogashada fuliyay nin dhalinyaro ah bastoolad ku hubaysnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM