Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha QM oo fariin u jeedisay Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaalka ay Puntland ugu jirto geedi-socodka dimoqraadiyadda, ka dib qoraal ay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah.

Ergeyga Gaarka ah ayaa Puntland ku ammaantay sida ay ugu guulaysteen qabashada doorashooyin heer degmo bishii May, iyada oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la isku afgarto hanaanka iyo Jadwalka doorashada.

Ergayga ayaa ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo hanaan dimoqraadiyadeed oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo ka hadleysa tabashooyinka ku xeeran doorashooyinka Puntland.

Waxay sidoo kale ugu boorisay Madaxweynaha Muddo xilleedkiisa sii dhamaanayo Siciid Deni in uu wadahadal la galo madaxda mucaaradka,Isimmada Dhaqanka Puntland, dhalinyarada, haweenka iyo aqoonyahanka si loo xaqiijiyo is afgarad u gogol xaaraya doorashooyin nabad ah.

Wada-hadallada ay Eragaygu la yeelatay saamileyda siyaasadeed ee Puntland ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ayaa ku dhiiri galisay Deni in uu wada-hadal la galo Dowladda Federaalka, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in aragtida Puntland ee arrimaha muhiimka ah la matalo Shirka Wadatashiga Qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM