Ergayga Qaramada Midoobey: Puntland waxay taageero buuxda ka haystaa Beesha Caalamka

Image
Madaxweyne Deni iyo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa qabtay shir jaraa’id.

Garowe, Soomaaliya - Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah la qabatay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadlay tallaabadii ay Puntland kalsoonida ugala noqotay dowladda federaalka.

Catriona ayaa xaqiijisay in maamulka Puntland uu taageero buuxda ka haysto beesha caalamka, ayna ka shaqeyn doonaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida kallumaysiga.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen is bedelka uu Baarlamaanka Federaalka ku sameeyay dastuurka, waxaana Catriona ay carabka ku dhufatay muhiimada ay leedahay in wada xaajood lagu xaliyo xiisada taagan.

Waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo aan wali laga faa’iideysan, iyadoo carrabka ku adkeysay doorka beesha caalamka ee taageerada dadaallada ka socda dalka gudahiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM