Ergayga Qaramada Midoobey: Puntland waxay taageero buuxda ka haystaa Beesha Caalamka

Image
Madaxweyne Deni iyo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa qabtay shir jaraa’id.

Garowe, Soomaaliya - Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah la qabatay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadlay tallaabadii ay Puntland kalsoonida ugala noqotay dowladda federaalka.

Catriona ayaa xaqiijisay in maamulka Puntland uu taageero buuxda ka haysto beesha caalamka, ayna ka shaqeyn doonaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida kallumaysiga.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen is bedelka uu Baarlamaanka Federaalka ku sameeyay dastuurka, waxaana Catriona ay carabka ku dhufatay muhiimada ay leedahay in wada xaajood lagu xaliyo xiisada taagan.

Waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo aan wali laga faa’iideysan, iyadoo carrabka ku adkeysay doorka beesha caalamka ee taageerada dadaallada ka socda dalka gudahiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM