Ergo nabadeed oo ku baxday Dagaalka Konfurta Sool [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image

LAASCAANOOD - Ergooyin ka tagey magaalooyinka Garoowe, Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa gaarey saacadihii lasoo dhaafey ayaa gaarey degaanka Dhumay, oo todobaadkii tagey uu ka qarxay dagaal beeleed.

Garaad Saleebaan Buraalle, oo kamid ah ergooyinka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay gogol u dhigeen labada beeleed ee ku dagaalamaya Dhumay si loo xaliyo khilaafkooda.

Wuxuu tilmaamay Garaadka inay hadda ku sugan yihiin Ergooyinka Tuulo u dhaxeysa Dhumay iyo Kalabeyr, oo duleedka Laascaanood ku yaalla, halkaasi oo gogosha ay dhigeen.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Odaygan ayaa xusay in dagaalkii dhawaan ka dhacay Dhumay uu reebay saameyn xooggan, iyadoo laga barakacay afar tuulo, oo dadkii degaan ay hadda meelo kale ku wajahaya dhibaatooyinka dhanka nolosha ah.

Ergooyinkan ayaa ka shaqeynaya sidii heshiis nabadeed loo dhex-dhigi lahaa labada beeleed ee walaalaha ah ee ku dagaalamaya Dhumay, halkaasi oo in ka badan 50 qof lagu dilay dagaal maalmo kahor ku dhexmaray labada dhinac.

Puntland ayaa ku eedaysay Somaliland inay hurinayso colaadda xilli dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ay kasoo saareen baaqyo nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM