Ergooyinka ku shirsan Cadaado oo ansixiyey dastuur muran dhaliyey!

Image

June 17, 2015 (GO)- Ergooyinka ka qayb gelaya shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa maanta ansixiyey dastuurka uu maamulkaasi yeelan doono.

Kulankii dastuurka lagu ansixiyey waxaa kasoo qayb galay 351 xubnood oo metelayey beelaha dega gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug.

310 xubnood ayaa oggolaatey dastuurka, waxaana diidey 12 xubnood halka ay 29 kale ka aamusen.

Dastuuka la ansixiyey maxaa ku qoran?

Dastuurka ay maanta meel mariyeen ergooyinka ka qayb gelaya shirka maamul u sameynta gobollada dhexe waxaa ku qoran in xuduudka waqooyi ee maamulkaasi ku egyahay gobolka Nugaal.

Qodobkaas ayaa sida muuqata jebinaya heshiiskii dhex maray Dowladda Federaalka iyo Puntland, kaasoo qeexayey in maamulka gobollada dhexe ka koobnaan doono Galguduud iyo Koonfurta Mudug. AKHRISO HESHIISKA.

Dastuurka waxaa sidoo kale ku qoran in xuduudaha maamulka gobollada dhexe ee dhanka koonfureed ay gaarsiisan yihiin gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Dowladda Federaalku maxay ka tiri ansixinta dastuurkan?

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa soo dhoweeyey ansixinta dastuurka maanta Cadaado lagu meel mariyey, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in maanta laga bilaabo shirka Cadaado uu gelayo wejiga saddexaad ee ugu dambeeya, kaas oo noqonaya soo xulista xildhibaannada baarlammaanka iyo doorashada madaxweynaha.

Dastuurkan oo qaar kamid ah qodobadiisa ay Putland u aragto kuwo aan la aqbali karin, wuxuu sii hurinayaa xiisaddii horay uga dhex taagneyd Puntland iyo Galmudug, wuxuu sidoo kale halis gelinayaa xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka oo xiliganba aan cago fiican ku taagneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM