​Ethopia: Madaxweyne Gaas oo xarumo booqday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS BABA-Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiweli Xirsi Cabdulle "Indha-guran" oo magaalada Addis Ababa u jooga hawlo shaqo ayaa booqasho indha-indhayn ah ku tegey Shirkadaha ku midoobey dhammaan qalabka Birta culus oo lagu magcaabo TEKLEBERHAN AMBAYE CONSTRUCTION PLC (TAF) oo ka hawl-gala  waddamo badan oo Afrika ku yaalla. 

Gaas, ayaa kormeerka kadib lakulmay maamulaha Shirkadahan ku midoobey (TAF)  oo lagu magcaabo Seifu Ambaye, isagoo ka xogwaraystay qaabka ay u shaqeeyaan maadama Puntland kasocdaan qorshayaal lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha. 

Labada mas'uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday qaabka TAF, Puntland uga hawl geli karaan iyagoo maal-gashi samaynaya. 

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa usoo jeediyey maamulaha shirkadaha midoobay inuu booqasho ku tago Puntland isla markaana indhohooda ku soo arkaan fursadaha ka bannaan iyo nabad-gelyada gaamurtey ee ka hana qaaday Puntland. 

Booqashadan, ayaa timi xilli madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo kusuganyihiin magalada Caasumadda u ah Ethopia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM