Faah Faahin: Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda Qarax ka dhacay Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah ee Daacish, ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa ka dhacay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari oo ay ku dhinteen Shan qof.

Qoraal ay ku baahiyeen baraha internet-ka ayay ku sheegeen in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanadooda ku sugan gobolka Bari.

Weerarkaas oo ka dhacay wadada Mashquulka badan ee dhex-marta bartamaha magaalada Bosaso, ayaa lala eegtay bar-kantarool oo ay dhigteen ciidanka ammaanka.

Taliyaha Qaybta Booliiska oo faah faah faahinayay dadka ku dhintay Qaraxaas ayaa sheegay in taradoodu gaarayso 5 qof oo isugu jiray; Hal Askari, Saddex Shacab ah iyo ruuxa Bamba isku soo xiray.

Guddoomiyaha gobolka Bari oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa isna sheegay in weerarkaas sidoo kale ku dhaawacmeen Lix qof kuwasoo haatan lagu dabiibayo goobaha caafimaadka.

Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo sii hadlaya ayaa sheegay in laamaha ammaanka gobolka Bari ay sameeyeen baaritaano kala duwan waloow aysan jirin cid lasoo qabtay.

Dhedo ayaa tilmaamay in weerarkaas ku tuhmayaan kooxaha Argagixisada ee ka dagaallama gudaha Somalia.

Weerarka ayaa dhacay Salaaddii Maqrib kadib, xilligaas oo ciidamo Booliis ah isku dayeen inay joojiyaan naftiis halligaha goobta isku qarxiyay.

Amniga Bosaso ayaa baryahay xasiloonaaa, wuxuuse kusoo aaday xilli dhawaan la qabtay Qarax la doonayay in ilaa saddex goobood lagu weeraro.

Ururo xiriir la leh Daacish iyo Shabaab ayaa ku sugan gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM