Faah faahin dilka xildhibaan ka tirsan Barlamanka PL [Dhageyso]

Image

Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qaabka loo diley Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Cagool) oo xalay dabley hubeysni ay magaalada Galkaayo ku dishey. Kooxda dilka fulisey ayaa lagu soo warramayaa in taradoodu gaareysey lix qof.

Dableyda ayaa tacshiirad huwisey xildhibaanka xilli uu kasoo baxayey masjidka Abu Hureyra, waxayna intaas kadib tuureen labo bumbo oo nooca gacanta ah si ay dadka u kala eryaan uguna suuro gasho inay baxsadaan. Rasaasta waxaa ku dhintey xildhibaanka iyo nin kale oo ilaalo u ahaa.

Xildhibaan Cali Daahir Cabdisamed oo kamid ah golaha deeganka degmada Gaalkacyo ayaa isagoo la hadlayey Radio Garowe waxaa uu sheegay in qaraxa dhacay toogashada kadib ay ku dhaawacmeen lix qof oo qaar kamid ah xaaladoodu culus tahay.

Xildhibaan Siciid Nuur Cagool) wuxuu kamid ahaa mudaneyaasha siyaasad ahaan aadka ugu dhow Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas.

Dilalka qorsheysan iyo weerarada loo gaysanyo ciidamada amniga Puntland ayaa bilihii ugu dambeeyey ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee Bosaso, Garowe iyo Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM