Faah faahin hishiiska Garowe ka dhacay
GAROWE- Munaasabad caawa ka dhacday xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garowe, ayaa lagu kalla saxiixday hishiis ka koobnaa afar qodob oo faah faahsan kaasi oo lagusoo afmeeray murankii mudada dheer ka taagnaa qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee 4.5.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in labada dhinac kala saxiixdaan hishiiskaasi oo ay ka doodayeen muddo dhan toban bari, waxaana dowladda Federalka iyo Puntland isku waafaqeen in doorashada Somalia 2016 lagu saleeyo habka qabaliga ah in lagu soo xulo Xildhibaanada Somalia ee sannadkan imaan doona.
Madasha lagu kala saxiixanayay qoraalkaasi, waxaa ku sugnaa mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia Tedros, Wakiilka Midowga Yurub Michael Cervone, Wakiilka Qaramada Midoobay, xubno kasocda urur goboleed IGAD iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda dhexe ee Somalia iyo Puntland.
Xubnaha kasocda beesha caalamka ayaa damiin ka ahaa qodobada lakala saxiixday, waxaana lagu hishiiyay in doorashada 2020 lagu saleeyo hal qof iyo cod, halka tan 2016 lagu salayn doono nidaamkii horay la isugu raacay.
Hishiis kadib, waxaa dareenkooda ka hadlay xubnaha beesha caalamka ka socda iyo mas'uuliyiin kasocotay dhinacyada hishiiyay.
Wakiillada beesha caalamka ayaa caawa ku tilmaamay habeen taariikhi ah oo guul u soo hoyiyay guud ahaan umadda Somaliyeed, waxayna rajo ka muujiyeen in isbadal iyo hormar laga sameeyay dhammaan waxyaabihii lagu kala aragti duwanaa.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay dareenkiisa shirkan iyo waxa kasoo baxay, ayaa ku sifeeyay hishiiskaasi mid taariikhi ah, wuxuuna tilmaamay inay waxyaabaha la isku afgartay loogu daneeyay umadda Somaliyeed, balse ujeedkeedu ahayn in Puntland qaatay nidaamka wax ku qabsiga beelaha ee ay heshay wadiiqadii looga gudbi lahaa.
Gaas, ayaa sidoo kale ka hadlay qoraal maanta kasoo baxay madaxweynaha Somalia hishiiska ka hor, wuxuuna ku sifeeyay mid lagu car-qaladaynayay is afgaradka labada dhinac kaasi oo tilmaamay in qaab ula kac ah loo sameeyay.
“Waxaan aad uga xumahay in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia uu ka-hordego maanta heshiiskii Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka, waxaana u arkaa runtii in si ulakac ah larabey heshiiska in loo fashiliyo, heshiis kaas oo dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo Beesha caalamkuba ya waqti badan gelisey,"Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Cabdiwali Maxamed Cali oo xusay in arrinta dhacday damiin katahay beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay hiigsiga 2020, kaasi oo sheegay inay noqon doonto mid kamadax banaan qabiil iyo qabyaalad.
Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cadbirashiid, ayaa isna arrintaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay go'aanka lawada gaaray isagoo tilmaamay in dowladda Federalka ka go'antahay qaabkii loo dalkan looga samata bixin lahaa dhibka mudada dheer soo aloosnaa.
“Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Heshiiskan aan caawa gaarnay waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo wuxuu muhiim u yahay bud-dhigidda mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waana habeen taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna,"Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Go'aanka la gaaray ayuu sheegay inay gacan ka gaysteen beesha Caalamka, Puntland, odayaasha dhaqan iyo siyaasiyiinta qaabkii loo soo afmeeri lahaa khilaafka jiray.
Hishiiskan ayaa dhacay xilli Puntland muddo badan ku cel-celisay inaysan xal iyo xalaalba ahayn in la qaato nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, waxaana madaxweyne Gaas marar badan ku cel-celiyay inaysan qaadan doonin habkaasi maadama shacabka Puntland go'aanka ugu dambeeya leeyahay ayna doorteen deegaan, waxaana la tashi uu la sameeyay soo baxday diidmo ah inaan lagu noqon 4.5.
Waxaana go'aankan la gaaray xilli arrintaasi diidanyihiin bulshada rayidka ah, siyaasiyiin iyo odoyaasha dhaqanka Puntland iyagoo ku andacoonaya in la baalmarayo dastuurka iyo hishiiska dalka u yalla.
GAROWEONLINE