Faah faahin ku saabsan isku-shaandheynta golaha wasiirrada
June 16, 2015 (GO)- Isku-shaandheynta Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku sameeyey Golaha Wasiirrada ayaa saameysey 12 wasaaradood, kuwaasoo sagaal kamid ah wasiirro cusub loo soo magacaabay saddex wasaaradoodna laysku beddeley wasiirradii horay u joogey.
Wasiirada xilalkooda waayey ayaa kala ah:
- Wasiirkii Cadaaladda, Ismaaciil Maxamed Warsame.
- Wasiirkii Waxbarashada, Cali Xaaji Warsame.
- Wasiirkii Caafimaadka, Saadiq Eenow.
- Wasiirkii Amniga, Xasan Cismaan Alloore.
- Wasiirkii Deegaanka, Guuleed Saalax Barre.
- Wasiirkii Beeraha, Cabdi Ismaaciil Boos.
- Wasiirkii Qorsheynta, Cali Axmed Faatax.
- Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Cabdullaahi Ducaale Cali.
Wasiirrada xilalkoodii hore weli haya:
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
- Wasiiradda Haweenka, Aniso Xaaji Muumin.
- Wasiirka Dekedaha, Cabdullaahi Jaamac Saalax.
- Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabiraxmaan Sheekh Axmed.
- Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Biindhe.
- Wasiirka Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
- Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
Wasiirrada wasaaradaha kale loo beddeley:
- Wasiirkii hore ee maaliyadda Shire Xaaji Faarax oo loo wareejiyey Wasaaradda Qorsheynta.
- Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdiweli Indho-guran oo loo wareejiyey Wasaaradda Ganacsiga.
- Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamuud Soo-cade oo loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.
Wasiirrada Cusub:
- Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.
- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
- Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
- Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
- Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
- Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac.
- Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame.
- Wasiirka Caafimaadka Naasir Cismaan Cuuke
Maxaa laga ogyahay wasiirrada cusub?
- Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab waa guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Nugaal.
- Wasiirka Dastuurka Feysal Cabdi Cali Gaas muddo dheer ayuu ku noola qurbaha, waana ku cusub yahay siyaasadda, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Sool.
- Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib waa ku cusub yahay saaxada siyaasadda, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Bari.
- Wasiirka Xannaanada Xoolaha, waa wasiir ku-xigeenkii amniga ee dowladdii Madaxweyne Faroole, wuuna kasoo jeedaa gobolka Haylaan.
- Wasiirka Maaliyadda, wuxuu kamid ahaa murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2014, wuxuuna walaal la yahay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland, deegaan ahaanna wuxuu kasoo jeedaa gobolka Karkaar.
- Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame, waa wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland xilligii Madaxweyne Farole, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Mudug.
- Wasiirka Caafimaadka Naasir Cuuke oo horey u ahaa dhakhtar u shaqeeya hay'adaha samafalka ee ka howlgala degaanada Puntland.
GAROWE ONLINE