Faah faahinta dufaanta Chapala ee ka dhacday gobolka Gardafuu [Dhgayso]

Image

03 November, 2015(GO)-Dufaanta Chapala ayaa ku dhufatay gobolka Gardafuu ee Puntland, waxayna saamayn ku yeelatay bulshada ku nool gobolkaasi iyadoo kala xirtay waddooyin muhiim ah, halka daadad la tageen xoolo aan tiradooda la xaqiijin.

Gudoomiyaha gobolka Gardafuu, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inaysan duufaantu sababin wax dhimasho ah, balse uu bur bur xooggan soo gaaray guryo iyo agab Kalluumaysi, ka dib fatahaado ku soo rogmaday tuulooyinka dhaca xeebaha Puntland.

Cabdulqaadir, ayaa sheegay inay xirmeen isu socodka gaadiidka qaybo ka mid ah gobolka, ka dib markii ay go'een waddooyin mac-mal ah bulshada Gardafuu samaysteen.

Duufaantan ayaa billaabatay Axaddii la soo dhaafay, waxayna saameysay degmooyinka Bargaal, Bareeda iyo tuullooyinka Tooxin, Fagoole, Tooxaad oo gobolka Gardafuu ka mid ah.

Xogta rasmiga ah ee la helayo ayaa adag maadaama weli socdaan Roobabka xooggan, mana jirto wax taakulo ah oo la gaarsiiyay bulshada goobahaasi ku nool, marka laga reebo xiriiro dowladdu la samaysay maamulka Gardafuu.

Xaaladda ayaa sii adkaan karta hadii ay sii socoto arrintan, maadama goobaha qaybtood muddo saddex bari ah Roobab ka da'ayeen.

Dowladda Puntland weli ma aysan samayn dhaq-dhaqaaq xooggan oo wax looga qabanayo duufaanta Chapala taasi oo dhawaan la sii saadilyay inay ku dhufanayso qaybo ka mid ah Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM