Faah-faahin is-casilaada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Gudoomiyaha Barlamanka isla markaana baneeyay xubinta Xildhibaanimo ayaa ka hadlay sababaha jagadaasi u baneeyay.

Shire ayaa sheegay in keenista mooshin ay ku saxiixanyihiin 40 mudane ka dambeeyeen qaar ka mid ah madaxda Puntland, isagoo ku tilmaamay in gabi ahaanba uu yahay mid sharci darro aan loo marin sifo sharci ah.

Ciidamo uu leeyahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayuu tilmaamay inay qayb ka yihiin la wareegidda xarunta golaha wakiillada Puntland, waxaana uu sheegay in ciidamadaasi soo amreen madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasiirka Amniga Puntland.

Gudoomiyaha Barlamanka oo saxaafadda kula hadlay Garowe, ayaa wax laga weydiyay arrimo dhawr ah oo loo malaynayo inay keentay moshinka laga gudbiyay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin; Difaacidda lacagta faalsada ah ee dowladdu daabacday iyo ku takri-falidda awoodda Barlamanka.

Siciid Xasan shire ayaa sheegay in Barlamanka oo dhan ku eedaysanyihiin difaacidda lacagta faalsada ah, balse uusan shakhsi ahaan ku lug kulahayn kana soo horjeeday, laakiinse ahayd mid dowladdu u arkaysay kabid taasna ugu turay dalka iyo dadka.

Shakhsiyaad ayuu carab baabay inay keensadeen dalka isla markaana daabaceen lacagtaasi, kuwaasi oo ku sugan gudaha Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuusan ku xadgudbin awoodda golaha Barlamanka, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid dana shakhsiyeed laga leeyahay.

Arrintan ayaa timi xilli uu socdo kalfadhiga 36-aad ee Barlamanka Puntland, waxaana jiray xiriir xoose oo u dhaxeeyay Madaxweyne Gaas iyo Gudoomiyaha Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM