Faah-faahin is-casilaada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Gudoomiyaha Barlamanka isla markaana baneeyay xubinta Xildhibaanimo ayaa ka hadlay sababaha jagadaasi u baneeyay.

Shire ayaa sheegay in keenista mooshin ay ku saxiixanyihiin 40 mudane ka dambeeyeen qaar ka mid ah madaxda Puntland, isagoo ku tilmaamay in gabi ahaanba uu yahay mid sharci darro aan loo marin sifo sharci ah.

Ciidamo uu leeyahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayuu tilmaamay inay qayb ka yihiin la wareegidda xarunta golaha wakiillada Puntland, waxaana uu sheegay in ciidamadaasi soo amreen madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasiirka Amniga Puntland.

Gudoomiyaha Barlamanka oo saxaafadda kula hadlay Garowe, ayaa wax laga weydiyay arrimo dhawr ah oo loo malaynayo inay keentay moshinka laga gudbiyay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin; Difaacidda lacagta faalsada ah ee dowladdu daabacday iyo ku takri-falidda awoodda Barlamanka.

Siciid Xasan shire ayaa sheegay in Barlamanka oo dhan ku eedaysanyihiin difaacidda lacagta faalsada ah, balse uusan shakhsi ahaan ku lug kulahayn kana soo horjeeday, laakiinse ahayd mid dowladdu u arkaysay kabid taasna ugu turay dalka iyo dadka.

Shakhsiyaad ayuu carab baabay inay keensadeen dalka isla markaana daabaceen lacagtaasi, kuwaasi oo ku sugan gudaha Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuusan ku xadgudbin awoodda golaha Barlamanka, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid dana shakhsiyeed laga leeyahay.

Arrintan ayaa timi xilli uu socdo kalfadhiga 36-aad ee Barlamanka Puntland, waxaana jiray xiriir xoose oo u dhaxeeyay Madaxweyne Gaas iyo Gudoomiyaha Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM