Faalo: Shirka wadatashiga Puntland oo dood cusub dhaliyay

Image

FAALADA WARKA| Shirka wadatashiga Puntland ee la sheegay in dib loogu fiirinayo wixii saxmay iyo wixii khaldamay 17 kii sano ee Puntland dhisnayd ayaa hadda dhaliyay dood ku saabsan hanaanka dowladnimmo ee lagu jiray muddadaas. 

Axmed Cabdi Xaabsadde oo soo noqday Wasiirka Howlahha Guud ee Somaliland isla markaana saamayntiisa siyaasaddeed tahay mid aad uga  hoosaysa markii la asaasay maamuladda Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in Puntland ku fashilantay muuqaal dowladeed iyo mid middnimo waa sid uu hadalka u dhigaye.

Waxaa xusid muddan in Xaabsade uu Puntland la shaqaynayo markii labaad ka dib markii uu u goostay maamulka Somaliland 2007 oo wakhtigaas xoog kula wareegay gacan ku haynta magaaladda Laascaanood. Xaabsade ayaa markaas ka qayb qaatey sidii magaalada Laascaano u gali laheyd gacanta maamulka Somaliland isaga markaas qorshihiisa ahaa in bur-buriyo midnimada Puntland.

“Marka laga taggo haykalka dowladdeed, dadka reer Puntland maanta ma haystaan wax ay ku faanaan,” ayuu yiri Xaabsade, isaggoo sababay in mar qura jawiga goobta uu shirku ka socday isbedella.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinaya haweeney aad uga xumaatey hadalka Xaabsade oo u muuqday mid dhabarjab ku ah maamulka hadda taladda Puntland haya.

Wuxuu sheegay inaanay Puntland lahayn ciidan awood leh isla markaana Somaliland ka hor-istaagi karra inay si fudud ku soo gasho magaaladda caasimadda ah ee Garoowe.

Shirka oo la soo gabagabeeyay 29 August,2015 , waxa ugu muhiimsana ee laga haddlay waxay ahayd xalinta khilaafyadda ka yimaada muranka daaqsinka iyo aanooyinka qabiilka, iyadoo kooxahii ka qayb galey ra’yigooda ku soo gudbinayeen waraaqo yar-yar.

Bille qabowsadde oo horay ula soo shaqeeyay madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi, waxa uu sheegay in amaanka Puntland uu waagi horre fiicna balse ma garawsana in amaanka caalamka iyo kan Soomaaliya-ba uu maanta meel xun marayo iyadoo argagixisada caalmka gaysato weeraro lagu waxyeeleeyo shacabka iyo saraakisha dowlada.

Su’aasha meesha taal waa: Shirka Gaalkacayo ma waxa loo qabtay in uu Puntland wax taro mise inuu wax u dhimo hanaanka dowladnimo ee soo jiray mudadda intaas le’eg? Jawaabtaas waxaa laga sugaya madaxweyne Cabdiweli Gaas. 

Madaxweynuhu ma waxa uu shirka u qabtay inuu soxo khaladaad isaga ka horeeyay mise waxa uu ku qarinaya fashilaadda haraysay maamulkiisa sanadka iyo barka jira. 

Puntland waxay u baahantahay inay dib u hanato saamaynteedi ay ku lahayd Somalia iyo caalamkaba madaxweyne Gaas ka hor.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM