Fadhi baarlammaanka Puntland maanta yeelan lahaa oo baaqdey

Image

July 21, 2015 (GO)- Maanta oo Talaado ah waxaa baaqdey fadhi ay yeelan lahaayeen xildhibaannada baarlammaanka Puntland oo weli ku jira kal-fadhigoodii 35aad, balse muddo asbuuc ah fasax ahaa sababo la xiriira ayaamaha Ciidka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire  oo hadal kooban siiyay Radio Garowe ayaa sheegay in maanta uu baaqday kalfahdigii Baarlamaanka oo uu sheegay in maanta lagu balansanaa.

Siciid Xasan ayaa xusay in 37 xubnood soo xaadireen, sidaas darteedna fadhigii baarlammaanka ee maanta uu baaqdey.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinta berri uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga caadiga ah ee golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM