Fadhigii baarlamaanka PL kula xisaabtami lahaa xukuumadda oo baaqday

Image

November 5, 2014 (GO)- Iyadoo weli magaalo madaxda Puntland ee Garowe uu ka soconayo kal-fadhigii 34aad ee Golaha Wakiiladu, ayaa maanta waxaa baaqday fadhigii baarlamaanka oo 42 xildhibaan soo xaadireen ajandihiisuna ahaa la xisaabtanka Xukuumadda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in xukuumada lagu wargeliyey inay baarlamaanka hor timaado maadaama qodobka sadexaad ee ajandaha kal-fadhigu yahay in xukuumadda lala xisaabtamo, haseyeeshee weli aanay jirin cid usoo jawaabtay.

"xukuumada shalay baan u gudbiney jadwalka jawaab kama hayno, laakiin hadii aysan xataa noosoo gudbin anaga ayaa ka doonayna si aan u ogaano qorshahooda..." Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri.

Siciid Xasan Shire wuxuu sidoo kale sheegay in waqtigu kooban yahay sidaas darteed lagu khasban yahay in ka doodista dhammaan qodobada  waqtiga loogu talo galay lagu soo gaba gabeeyo.

Kal-fadhigan oo ah kii 34-aad ee Baarlamaanka Puntland yeesho waxaa arimaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo kamid ah ansixinta miisaaniyadda, la xisaabtan hay'adaha dowladda, amniga iyo dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM