Fahfaahin: Duqeyn ka dhacday gobolka Bari [Dhageyso]

Image

QANDALA, Puntland - Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamed Quurshe, ayaa ka warbixiyay duqeyn xalay saqdii dhexe ka dhacday deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Sida Warsidaha Garowe Online uu soo qoray Duqeyntu waxay ka dhacday deegaanka Buqo, halkaasoo lagu riday lix gantaal oo lala eegtay xubno katirsan Malleeshiyo xiriir la leh ururka Daacish. Halkan ka akhri.

Buqo waxuu qiyaastii 60KM u jiraa magaalo xeebeedka Qandala, oo sanad kahor laga saarey Xoogaga Daacish gacan-saarka la leh, ee uu hogaamiyo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo Shabaab kasoo goostay.

Dadka deegaanka ayaa hurdada uga soo toosay qaraxyada gantaallada ku hoobanaya Buqo, iyadoo la maqlayay guuxa dayuurado dusha sare ku duulaya, oo loo maleynayo inay yihiin kuwa gantaallada soo riday.

Kooxda Sheekh Cabdulqaadir Muumin, ayaa ku xoog badan Buularayda la duqeeyay, waxaana xilliga weerarka dhacayay ay hogaamiyaal shir ku lahaayeen Buqo, sida Illo-wareedyo u sheegeen GO.

Lama oga cida fulisay duqeynta, balse Mareykanka ayaa inta badan ka fuliya Soomaaliya weeraro ka dhan ah Kooxaha argagaxisada, sida Al Shabaab iyo Daacish oo khatar amni ku haya gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM