Fahfaahino kasoo baxaya dilal ka dhacay Boosaaso iyo Muqdisho

Image

BOOSAASO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Ugu horeyn, dabley ayaa habeenimadii Talaadada waxay ku dishay xaafadda New Boosaaso ALLE ha u naxariistee, Cismaan Axmed Askar.

Askar wuxuu kamid ahaa nabadoonada gobolka Bari iyo howlwadeenadda dekadda xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Boosaaso.

Kooxihii hubeysnaa ee ka dambeeyay falkaan ayaa baxsaday, sidda laga soo xigtay saraakiisha oo sheegay in ay ku raadjoogaan.

Dhanka kale, askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa lagu toogtay Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Sidda ay shegeeen goobjoogeyaal la hadlay warsidaha Garowe Online, gacan ku dhiigleyaashii ayaa goobta kaga baxsaday Mooto Bajaaj.

Dhinaca kale, askari ka tirsan ciidamadda Soomaaliya ayaa isla maanta isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho ku khaarijiyey darawal Mooto Bajaaj.

Marxuumka oo geeridiisu timid markii muran xoogan uu dhexmaray isaga iyo askariga ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed Cosoble.

Iyaddoo qoyskiisu codsanayo cadaalad, askarigii riday xabadda dhimashadda Yuusuf keentay ayaa ka cararay meesha ay wax ka dhaceen.

Sikastaba, Yuusuf ayaa waxaa lagu waramayaa in uu dhowaan kasoo laabtey waddanka Koonfur Afrika, halkaasoo uu ku ahaa ganacsade.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM