Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Shir culus uga socda Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Kulan albaabada u xiran oo xasaasi ay ayaa ka socdaa xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garowe, kaasoo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda shanta maamul goboleed ee ka jira dalka.

Shirkan ayaa isagu yeeray Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Villa Somalia iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu shirka ka helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in wadahadalka uu qaatay saacado ka badan intii loogu talo-galay, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Farmaajo isku mari la'yihiin kulanka.

Axmed Madoobe ayaa wax badan ka tabanaya dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, isagoo ku doodaya in faragelin xoog leh ku hayso maamulkiisa Jubbaland, oo khilaaf adag kala dhaxeeya.

Waxaa madasha ku sugan Madaxweyniyeyaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya Senator Cabdiraxmaan Farole, Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland, Madxweyne ku xigeenka, iyo gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa qaatey go'aan ah in lala xisaabtamo dowladda Dhexe, kaasi oo ka duwan midkii Cabdiweli Gaas ee ahaa xiriirka in loo jaro Villa Somalia markii uu khilaaf yimaado.

Farmaajo ayaa khudbadii uu xalay ka jeediyay Caleema-saarka Deni ka sheegay inuu si buuxda ula shaqeyn doono dowlad goboleedyada, islamarkaana noqon doono oday Soomaaliyeed oo kala dhex-gala khilaafka labada Golle ee Baarlamaanka.

Wixii kusoo kordha kulanka ka socda Garowe, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM