Deni oo loosoo jeediyey in uusan ka qeybgelin shirka DF iyo maamuladda

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowladda Puntland oo maanta ka hor-yimid xeerka metelaada gobolka Banaadir ee go'aanka la isku khilaafay uu kasoo baxay ayaa madaxweyne Farmaajo uga digay in uu saxiixo.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Wakiilada Puntland, xeerkaas waa mid waxba kama jiraan oo baalmarsan dastuurka ku meelgaarka ah.

Bayaanka ayaa Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ugu baaqay in uusan meelmarin xeerarka aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka.

"Waxaan ka digeynaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu saxiixo habraacyo io xeerarka kasoo horjeeda dastuurka JFS, maadaama madaxweynuhu yahay ilaaliyaha dastuurka sidda ku cad Qodobka 87aad farqadiisa 1aad ee Dastuurka JFS," ayuu yiri.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka oo lagu caddeeyay in dalka aysan 2020-21 la dhici karin doorasho qof iyo cod ah sabab la xiriirta amni la'aan, dhameystirka dastuurka oo aan la sameyn iyo diiwaan-gelinta.

Intaas waxaa wehlisa, caqabado kale oo ay kamid yihiin; in aysan jirin miisaaniyad ku filan, asxaab ku dhisan nidaam siyaasadeed iyo tirokoob dadweyne.

Ugu dambeyntii, golaha ayaa dowladda Puntland ku dhiirageliyey in aysan ka qeybgelin shirka madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyadda, kaasoo bisha dambe ee July ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso bayaanka

No photo description available.

Image may contain: text

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM