Farmaajo oo abaabulay fal liddi ku ah amniga garoon diyaaradeed

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu idlaadey Farmaajo ayaa mas'uul ka ah talaabada ay dhalinyarada hubeysan ku hor-istaageen diyaarada maanta ka degi lahayd magaala xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug, sida illo si dhow ula socda qadiyada u sheegeen Garowe Online.

Sida ay xoguhu muujinayaan, Villa Soomaaliya ayaa dhalinta u dusisay xogta safarka wafdiga oo ahaa ganacsato ka timid dalka dibadiisa kuwaasoo maalgashanaya dekada Garacad oo dhismaheeda ay kaalin weyn ku leeyihiin ganacsato.

"Dhalinyarada waxay gaari ku baakimeen dhabaha ay diyaarada soo caga dhigato ee madaarka taasoo dhalisay in socdaalkii wafdiga ku tagi lahaa Garacad uu baaqdo," ayay GO u sheegeen mas'uuliyiin magacooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in ay warbaahinta la wadaagaan xogtan maadaama ay xasaasi tahay.

Farmaajo oo raadinaya dib-u-doorasho markii waqtiga ka dhamaadey 8-dii Febraayo, 2020 ayaa dadka siyaasadiisa kasoo horjeeda waxay ku eedeeyaan falal horseedaya khalkhal-gelin amni iyo xasilooni daro wuxuu ka beegsanayaa degaanada Puntland iyo Jubaland.

Ciidamo loo diray Garacad

Kadib falkii Talaadada maanta ah, dowladda Puntland ayaa lagu waramay in ay ciidamo dheeraad ah ku daabushay magaalada Garacad si ay u xoojiyaan ammaanka garoonka si gaar ah wafdiga oo la filayo in berri ay ka duulaan Garowe.

"Ciidamadda oo ah PMPF-ta waxay gaaf-wareegayaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaaladan xeebta ah," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo khadka telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online.

Lama ogga hadii qorshahooda uu qeyb ka yahay howlgalo ay ku ugaarsanayaan dhalinyaradda falkaas ku kacdey soona taagi doonan hay’adaha garsoorka.

Maamulka Farmaajo oo horey isugu dayay in uu degaanada Puntland ka curyaamiyo mashaariicyo horumarineed oo ay ku deeqeen wadamo iyo hay’addo caalami ah ayaa lagu eedeeyay in uu doonayo burburinta nidaamka federaalka ah ee waddanka ka jira dibna ugu celiyo dalka Soomaaliya kelitalisnimo iyo dowlad dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM