Farole iyo safiirka Talyaaniga oo Bosaso ku kulmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

07 January, 2016(GO)-Madaxwayneynihii hore Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa magalada Bosaso kula kulmay galabta Safiirka Talyaaniga ee Somalia Ambassador Michele Fabrezio iyo sarakiil ka socotay hay'adda UNOPS.

Wafdigan ayaa madaxweynihii hore booqasho ugu tagay waxayna ka wada hadleen xaaladda Somalia iyo mashaariicda ugu deeqaan Somalia gaar ahaan Puntland.

Madaxweynihii hore Puntland Dr. Farole oo shirka kadib kawarbixiyay waxyaabaha kawada hadleen ayaa sheegay inay ugu yimaadeen booqasho iyo kala warqaadasho, wuxuuna tilmaamay in Talyaanigu taageero weyn siiyo Somalia khaas ahaan Puntland.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqday dhaqaalaha dhismaha Garoonka Bossaso, waxana ay soo marsiisey xafiiska Qaramada Midoobay u qaanilsan Fulinta mashaariicda.

Mas'uuliyiintan ayaa Bosaso u tagay kaqayb galka daahfurka garoonka diyaarahada Bosaso kaaso loo madlanyahay barri 08 January.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM