​Farole iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo kulmay

Image
Image

GAROWE- Kulan ka dhacay xarunta Qunsuliyadda Safaaradda Ethopia ee Garowe ayaa looga hadlay xaaladda Somalia iyo hishiiskii dhexmaray Puntland iyo dowladda Federalka Somalia, waxaana kulankaasi u dhaxeeyay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom.

Shirkan ayaa intii u socday, waxaa labada mas'uul gorfeeyeen xaaladda kala guurka ah ee Somalia iyo qaabka looga gudbi karo, waxayna is-weydaarsadeen aragtiyadooda khuseeysa hishiiskaasi iyo qaabka doorashadu u dhici karto.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa wasiirka u muujiyay inusan taageersanayn go'aankii xalay soo baxay, wuxuuna tilmaamay inuu muddo dheer dadaal ku bixiyay qaabkii looga gudbi lahaa nidaamkan qabaliga ah.

Farole, ayaa si cad ugu sheegay Tedros in habkaasi baalmarsanyahay nidaamka waddanka u yaalla, isagoo shaaciyay inuu dadaalkiisa diidmada 4.5 sii wadayo inta naftu ku jirto.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom, ayaa soo dhaweeyay aragtida madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, wuxuuna sheegay inuu yahay shakhsi muhiim u ah siyaasadda Somalia islamarkaana dadaal iyo waqti kusoo lumiyay sidii loo saxi lahaa waxyaabo badan oo khaldanaa.

Wuxuu ku ammaanay kaalinta wanaagsan iyo sumcadda uu ku dhex leeyahay shacabka Puntland isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Kulankan labada mas'uul ayaa kusoo aadaya xilli xalay hishiis ogolaanaya 4.5 lagu kala saxiixday magalada Garowe kaasi oo horay u diideen dowladda Puntland iyo shacabkeeda oo midaysan, waxaana weli taagan aragtidii shacabka oo ilaa hadda aqbalin waxyaabaha lagu hishiiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM