Farole: Musharxnimadeydu waa in Somalia lagu soo celiyo dowladnimo [ DHAGEYSO]

Image

MELBOURNE, Australia- Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole oo wareysi gaar ah siiyey idaacada SBS laanteeda Af-Somaliga ee dalka Australia ayaa sheegey in nidaamka awood qaybsi ee 4.5 yahay mid ku salaysan kala qaybin iyo iska-hor-keenid shacabka Somaliyeed. 

Faroole ayaa ku tilmaamay nidaamka 4.5 mid xaq-darro ku ah shacabka, islamarkaana aan u hoggaaminayn dawladnimo dhab ah oo ka dhalata Somalia, madaama dad gaar ah ku danaysanayeen inay awoodda ku haystaan. 

"Waan la diriraynay muddo badan oo aan lahayn dadka deegaan ha lagu soo xulo, ma jirto cid aan deegaan lahayn, beelaha la leeyahay waa laga badan yahay qofna meesha uu deggan yahay loogama badna, haddayba dhac-dase qof walba waxaa uu helayaa xuquuqda uu ku  leeyahay meesha uu degganyahay" ayuu yiri madaxwaynihii hore ee Puntland, ahna musharax u taagan xilka madaxwayne ee dawladda Federalka Somalia mar uu ka hadlayey qaabka awood qaybsiga ee 4.5.

Sidoo kale madaxwayne Faroole oo ka hadlay hadduu ku guulaysto xilka madaxwayne ee Somalia ayaa ballanqaaday inuu wax ka qaban amniga, dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta ummadda Somaliyeed oo intaba isagu u leeyahay khibrad gaar ah. 

"Dalka in dawladnimo lagu soo celiyo iyo in waddaniyadii la soo celiyo, baa loo baahan yahay iyadoo adeegyada dawladnimo la geeynayo degaan walba...haddii lay doorto dadka dawladnimada wax ka yaqaan meel kastoo ay joogaan ayaa laga shaqaysiinaya, hal qof wax ma samayn karo, waxaana ka shaqeynayaa in qof walba uu helo xaqqa uu leeyahay isaga oo jooga meesha uu deggan yahay waxaana hirgalinayaa sida looga noolyahay addunka kale."

Madaxwaynihii hore ee Puntland oo la weyddiiyey kalsoonida uu ku qabo in lagu doorto baarlamaanka lagu soo xuli doono nidaamka 4.5 ayaa sheegay inuu kalssoni ballaaran ku qabo dadwaynaha Somaliyeed oo uu xiriirka qoto dheer la leeyahay meel kasta ay joogaan iyo gobol kasta ay ku nool yihiin.

Farole oo la waydiiyey xiriirka uu la yeelanayo beesha caalamka hadii la doorto ayaa xusey inuusan aheyn qof cusub isagoo muddo shan sano ah madaxweyne ka ahaa dowlada Puntland halka uu kala shaqeynayey sidii dowlada federaalka ku dhismi laheyd. 


HALKA KA DHAGEYSO: Wareysiga Madaxweynihii hore ee Puntland siiyey Idaacada SBS Australia 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM