​Farole oo ka digay saamaynta abaarta ka jirta Puntland [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Murashaxa Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia islamarkaana ah Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Barlamanka dalka, ayaa ka hadlay abaaraha ka jira waddanka Somalia gaar ahaan Puntland, wuxuuna sheegay inay ka adagtahay kuwii horay loo arki jiray.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa Abaartan ku sifeeyay Gaag-mareebto  saamayn laxaad leh u gaysatay dadkii iyo duunyadii ku dhaqanaa Miyiga iyo Magaalada intabada, taasoo sheegay inay ka dhalan karto halis aysan maarayn karin bulshada Somaliyeed.

Wuxuu sheegay in muddooyinkii dambe dadku u guurayeen Bariga fog ee Puntland, halkaasoo ay ka da'een roobab yar, taasoo uu tilmaamay inaysan ku filnayn makhluuqa gobolkaas isugu tagay.

Farole, ayaa xusay inay jiraan qaylo dhaan kasoo yeeraysa dadkaas oo ka cabanaya inaysan jirin cid wax u qabtay xilli ay ka dillaaceen cudurro kala duwan.

"Waxaan saaka dhagaysanayay ninka Guddoomiyaha ka ah Bandar-bayla allaha khayr siiye Siciid Aadan Cabdi Antena oo qaylinaya oo leh dowladdii qaybaheedii Caafimaadka ma hayno, xoolihii wa jiranyihiin dadkii waa xanuunsanyihiin, deegaankii baabuur baa wada martay dadka iyo xoolaha dhigaysa,"Ayuu yiri Cabdiraxmaan Farole oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe.

Xildhibaanka, ayaa sidoo carrabka ku dhuftay in kooxo sahan halkaasi u tagay, ay sheegeen inaysan dadkaasi wadan hanti iyo gaadiid intaba, sidaas awgeed ay koobantahay waqtiga ay sii joogi karaan, isagoo ka digay inay lamid noqdaan dadkii ku noolaa Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

Mudanaha, ayaa sidoo kale Baaq u diray dowladda, shacabka iyo Xildhibaanada, isagoo ka codsaday in la maareeyo xaaladda dadkaasi ku noolyihiin isagoo xusay oo deg deg wax loogu qabto.

Hadalka Cabdiraxmaan Farole, ayaa kusoo aaday xilli muddooyinkii dambe reer Miyigu u hayaamayeen dhulka xeebaha ah oo bishii lasoo dhaafay ay ka da'een roobab yar, waxaana hadda lasoo sheegayaa inay lasoo daristay xaalad isugu jirta Xanuuno iyo Biyo la'aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM