Farole oo ka tacsiyeeyay geerida Barkhad Cali Saalax [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo katirsan Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa tacsi ka diray geerida shalay ku timid ALLAH ha u naxariistee Barkhad Cali Saalax oo  kamid ahaa siyaasiyiinta Puntland.

Farole oo haatan ku sugan dalka Australia ayaa sheegay in shakhsi kasta geeri ku xukumanyahay, balse Barkhad uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan, dhowrsan oo dadka iyo dalka wax u qabtay.

Tacsi ayuu u diray Ehelkiisa, Asxaabtii, Qarabaadii iyo dhammaan umadda reer Puntland ee Marxuuma Barkhad uu ka baxay, isagoo ALLE uga baryay inuu ka waraabiyo jannadiisa.

Wuxuu sheegay inay is-barteen muddo hadda laga joogo in kabadan 50 sano isagoo markaas ahaan Duqii Labaad ee magaalada Bosaso, “57 sano ayaan isnaqaanay anoo markaas la i  soo badalay bishii July, 1967 mar ahaan ka shaqaynayay magaalada Bosaso isagoo ah Duqa degmada oo waliba nin dhalinyaro ah, siyaasadda dhalinyaro kusoo bilaabay, ilaa waqtigaa wixii ka dambeeyay aqoon fiican ayaan isu lahay, waqtigii aan Madaxweynaha ahaana wuxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashooyinka,” Ayuu yiri Farole.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in shaqadiisa inta badan oo ku qaaday xil dowladeed, balse markii dambe uu ahaa shakhsi kamid ah wax-garadka gobolka oo wax laga weydiiyo masiirka umadda.

All ha u naxariistee Barkhad Cali Saalax, wuxuu ka mid ahaa Asaasayaashii Dowladda Puntland, isagoo muddo 60 sanno ku dhow uu ku soo dhexjiray siyaasadda iyo Maamulka dowladihii kala dambeeyay ee soo  maray Soomaaliya.

Duqa Bosaso ayuu noqday 1964tii, halka xukuumadi Milatariga uu kasoo qabtay xilal kala duwan, isagoo mar soo noqday Guddoomiyaha gobolka Galguduud, halka degmada Hobyo ee gobolka Mudug kasoo noqday  Guddoomiye.

Dowladii Gen Cadde Muuse ayuu ka noqday Wasiirkii Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Puntland, isagoo sidoo kale la taliye u noqday Madaxweyne Cadde Muuse iyo  Madaxwene Cabdiraxmaan Faroole.

ALLAHA U NAXARIISTO BARKHAD CALI SAALAX

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM