Farole oo ka tacsiyeeyay Geerida Maxamed Abshir Muuse [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole ayaa tacsi ka diray geeridii ku timid ALLAH ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Muuse Mataan oo xalay ku geeriyooday waddanka Maraykanka.

"Waxaan rabaa inaan ka tacsiyeeyo geeridii naxdinta lahayd ee xalay naloo soo sheegay oo ku timid General Maxamed Abshir Muuse Mataan oo xalay ku geeriyooday waddanka Maraykanka gobolka Minisoota xalay oo khamiis ahayd fiidkii naloo soo sheegay ayaan rabaa inaan ka tacsiyeeyo oo aan u tacsiyeeyo ehelkii, qaraabadii iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan." Ayuu yiri Farole oo la hadlayay Radio Garowe.

Farole ayaa RABBI naxariis u weydiiyay marxuumka isagoo ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo magac ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Senatoorka ayaa sidoo kale aad uga waramay taariikhda marxuumka wuxuu tilmaamay inuu ahaa wadani, nabadoon iyo qof usoo halgamay umadda Soomaaliyeed kaasoo waliba xabsi ku xirnaan 12 sano.

Cabdiraxmaan Farole ayaa sidoo kale sheegay in marxuumka uu ku jiray nabadoonadii ku sugnaa Muqdisho ee ka shaqaynayay sidii Soomaalida looga bad-baadin lahaa inay is-laayaan.

Halkaan ka dhageyso codka Senator Farole

ALLAH ha u naxariistee Marxuumka ayaa soo noqday taliyihii ugu horeeyay ciidamada, Booliska sidoo kale wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee daradaja Jeneraalka ku qaata da'da ugu yar 32.

HALKAN KA AKHRISO TAARIIKHDA MARXUUMKA OO KOOBAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM