Farole oo martiqaad u sameeyay wafdiga Ra'isal wasaarihii hore Geeddi

Image
Image
Image
Image

05 January, 2016(GO)-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Farole ayaa hoygiisa magalada Garowe kulan casho ah la yeeshay wafdi uu hogaaminayay Ra'isal wasaarihii hore Somalia Cali Maxamed Geeddi.

Farole ayaa waxaa kulanka ku weheliyay xubno katirsanaa xukuumaddii hore Puntland, waxayna kawada hadleen arrimo kusaabsan xaladda dalka iyo aragtidooda ku aaddan doorashada Somalia ka dhici doonta sannadkan.

Madasha oo ku koobnayd isxogwaraysi iyo soo dhaweyn uu madaxweyne Farole u samaynayay wafdiga kayimi magalada Baydhabo ayaa mas'uuliyiinta ku ammaanay shaqooyinka dalka kasoo qabteen, wuxuuna ku booriyay inay horay usii wadaan talo galyaynta iyo hagidda shacbiga Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM