​Farole oo soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay Garowe [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Murashaxa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta 16 July, 2016 si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda Puntland ee Garowe kadib safar uu saaka kagasoo kicitimay degmada Dangoroyo gobolka Nugal.

Farole, ayaa kahor intuusan soo galin magaalada, waxaana deegaanka 22-aad kaga hortagay mas'uuliyiin uu kamidyahay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland iyo dadweyne kale.

Murashaxa ayaa loo soo galbiyay gudaha magaalada iyadoo ay horkacayaan boqolaal gaadiidka shacabka ah, wuxuuna ku hakaday bartamaha caasumadda gaar ahaan barxadda halkaasoo kula hadlay boqolaal kamid ah dadweynaha, wuxuuna u sheegay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynaha dowladda Federalka Somalia isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada si loo adkeeyo nabad-galyada.

Madaxweynihii hore Puntland, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ka qayb qaadan doono xasadaradaha ka taagan gobolka Sool iyo kala aragti duwanaanta u dhaxaysa dowladda iyo siyaasiyiin isagoo xusay inuu lasoo hadlay waxgaradka gobolka Bari iyo Karkaar.

Dr. Farole, ayaa mahadcelin usoo jeediyay shacabka Garowe iyo ciidamada ammaanka, wuxuuna ALLE ka baryay in dalka Somalia kusoo celiyo kala dambeyntii iyo xasiloonidii ka jiri jirtay isagoo xusay in hogaanka siysaadeed gacanta loo galiyo dadka kasoo bixi kara ee aqoonta iyo waayo aragnimada leh.

Soo dhaweyntan ayaa noqonaysa lamid ahay middii Farole 29 July, 2015 loogu sameeyay magaalada Garowe xilligaas oo kayimi dalka Australia, waxaana dadweynaha ka muuqatay shucuur xooggan oo ku aadan siday u doonayaan inuu noqdo madaxweynaha dalka Somalia iyagoo ku booqday hoygiisa isla maanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM