Farole oo tacsi ka diray geerida Dr: Maxamed Warsame Rooti [Dhagayso]

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qarabaadii u ka baxay Dr: Maxamed Warsame Rooti oo ku geeriyooday dalka Australia.

"Waxaa i  soo gaartay in dalka Australia gaar ahaan magalada Melbourne oo ku geeriyooday Dr: Maxamed Warsame Rooti oo aan ahayn rafiiq, Allaha u naxariisto geeridiisa waan ka naxay runtii xanuunkana waan ku ogaa"Ayuu yiri Farole.

Faroole ayaa sheegay in Dr: Maxamed Warsame uu ahaa nin magac ku leh bulshada Somaliyeed ee dagan magalada Melbourne, waxaana shacabka Somaliyeed, Xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay ALLE uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM