​Farole oo tacsi ka diray geerida ku timid Omar Faaruuq [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Murashaxa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa tacsi ka diray geerida ku tamid AHN Marxuum Omar Ciise Maxamed (Faaruuq) oo ahaa madaxa Ganacsiga ee shirkadda isgaarsiinta Golis kaasoo ku geeriyooda shil gaari oo shalay galinkii dambe ka dhacay duleedka Koonfureed ee magaalada Garowe.

Farole ayaa sheegay inuu marxuumku ahaa shakhsi aad u qiimo badan islamarkaana ku sifoobay ALLE ka cabsi iyo wanaag, wuxuuna tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo umadda reer Puntland oo ku baxay.

"Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee galabta dhacday, saaxiibkay, ninkii qiimaha badnaa ALLE ha u naxariistee Omar Ciise Maxamed (Faaruuq) oo ku geeriyooday Garowe isaga iyo wiilkiisa curad... Waxaan uga tacsiyaynayaan eheladii, qoskiisii, qaraabadii, deegaankii reer Nugaaleed oo dhan iyo shirkaddii uu u shaqaynayay ee qiimaha iyo qaayaha ugu fadhiyay oo Golis, ILAAHAY ha u naxariisto, Janatul Firdowza haka waraabiyo, EEBBENA  haka samirsiiyo ehelkiisii, qoyskiisii, asxaabtiisii oo aan anigu ku jiro iyo dhammaan umadda reer Puntland,"Ayuu yiri madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo la hadlay Radio Garowe.

Farole aya xusay inuu u lahaa aqoon xoogaysatay mudadii uu billaabay shaqada Golis, wuxuuna sheegay inuu ahaa shakhsi dhinac walba ka dhammaystiran islamarkaana qiimo ugu fadhiyay shirkadda Golis iyo dhammaan umadda reer Puntland.

"Muddo dheer baan aqaanay, waxaan aad usii bartay mudadii uu qabtay maamulka meeshaas, waxaan ogahay inuu yahay shakhsi mujtamaca qiimo kuleh oo aad loo jecelyahay,"sidaasi waxaa hadalkiisa kusii daray Farole.

Marxuumka ayaa xalay lagu aasay magaalada Garowe  iyadoo si weyn loo dareemay geerida ku timid isaga iyo wiil uu dhalay oo shalay galinkii dambe ku geeriyooda shil gaari oo sidoo kale dhawac kasoo gaarey shakhsiyaad kale oo la socday.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, EEBBE HA U NAXARIISTO CUMAR FAARUUQ.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM